Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyaddu waxa ay tababar u soo xidhay Agaasimeyaasha Maamulka & Maaliyada iyo u qaablishanayaasha e-governance-ka  Dawladaha hoose

(Hargaysa 7/11/2023) Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyaddu waxa ay tababar u soo xidhay Agaasimeyaasha Maamulka & Maaliyada iyo u qaablishanayaasha e-governance-ka  Dawladaha hoose ee shan degmo(Hargaysa,Burco,Borama,Berbera iyo Gabiley).
Tababarkaasi oo mudo 2 cisho ay ay ku qaadanaayeen hanaanka casriga ah ee adeeg bixinta dawladaha hoose (www.govsomaliland.online) .
Hada waxii ka danbeeyana waxa muwaadinku si fudud u codsan karaa adeegyada dawladaha hoose isaga oo gurigiisa ,xafiiskiisa shaqo ama meel kaleba jooga ,iyada oo aanu wakhti kaga kulmin booqasahda xaafiisyada kala duwan ee dawladaha hoose.
Hadaba Muwaadin halkan ka dalbo (www.govsomaliland.online) adeegyada aad uga baahan tahay ee shantaasi degmo.